Shiikh Shariif oo Wadahadal Khadka Teleefanka Kula Yeeshay Amb Ben Fender.

0

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran,ahna Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa wadahadal khadka teleefanka kula yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Amb Ben Fender.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in safiirka ay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay maanta safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender waxaan ka hadalney diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland.

Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii aan xafiiska joogay maantana hakad kujira ayaan isla soo qaadney.

Ugu dambeyntii waxaan isla garannay abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hanaan doorasho oo xor ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here