Sadiiq Adan Cali (Duudishe) ayaa loo magacaabay Afhayenka cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
War-Saxaafadees kasoo baxay Taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in Sarkaalka ku soo biiray Ciidanka sanadkii 2007-dii. Isla markaana soo dhameystay leyli Sarkaal muddò dhan Saddex Sano dalka dibadiisa.
Taliyaha ayaa in muddo ah ka mid ahaa ciidanka,waxaa intaas u dheer sida la sheegey in uu ku hadlo luuqado kala duwan, isagoo ku hadla English-ka, Carabiga iyo Talyaaniga.

