Dowladda Kenya ayaa kadalbatay xukuumadda federaalka Somalia in ay baaritaan kusameyso shilkii kadhacay degmada bardaale shilkaasi oo sababay dhimashada 6 ruux kuwaaso oo 2 kamid ah ay ahaayeen muwaadiniin udhalatay dalka Kenya waxaana dowladda Kenya ay kadalbatay dowladda federaalka Somalia in ay baaritaan dhab ah kusameyso waxa sababay in ay soo dhacdo diyaaradda siday gargaar caafimaad oo loogu talagalay in looga hortago cudurka covid19 diyaaradaasi oo shalay kudhacday qeybo kamid ah degmada bardaale ee gobalka bay.
Qoraal kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in aysan caddeen waxa sababay shilka waxaana dowladda Kenya ay kadalbatay xukuumadda federaalka Somalia in ay sameyso baaritaan dhab ah waxaana dowladda Kenya ay kadigtay in arrintan ay khatargalin karto howlaha gargaarka bani,aadannimo ee lagaarsiiyo Somalia.
Dowladda Kenya ayaa fartay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya in ay sidhaw ulasocota halka ay marayaan howlaha baaritaannadda waxaana dowladda Kenya ay ugu baaqday hay,addaha kashaqeeya arrimaha gargaarka bani,aadannimo in ay sameeyaan feejignaan dheeraad waqtiyadaay kugudajiraan howlaha gargaarka bani,aadannimo.
Hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ayaa kusoo aadaya xilli maalinnimaddii shalayto aheyd diyaarad sidday agab caafimaad oo loogu talagalay in looga hortago cudurka covid19 ay kudhacday qeybo kamid ah degmada bardaale ee gobalka baay.

