wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Sh\dhexe ayaa sheegaya in magaalada ay xaalad cabsi ah ka jirto.
Waxaa lasoo sheegayaa in cabsi weyn laga qabo fataahado uu sameynayo wabiga shabeelle, waxaana si weyn cabsi looga qabaa in magaalada ay Biyo soo galaan, taas oo keeni karta in magaalada uu barakac ka billowdo.
Tuulooyin hoos taga Jowhar ayaa waxaa ku fatahay wabiga Shabeelle, waxaana uu saameyay wabigu dhul daaqsimeed iyo beero ay Biyuhu Si weyn u qaadeen, iyadoo dadkii degaanka eek u noolaa tuulooyin kaas ay bara kaceen.
Dadka deganka ayaa ku warramaya in laga yaabo in magaalada ay soo gaaran fatahaaduhu ayna dhibaato kale ooh or leh ka dhalato, wabiga ayaa hadda la ciir-ciiraya biyo fara badan.
Mid ka mid ah Nabadoonada Gobalka Shabeellaha hoose ayaa idaacadda Simba u sheegay in xaalaadda magaalada ay hadda tahay mid cabsi farabadani ay haraysay, Aweys Nuunooow oo idaacadda Simba weraysi Gaar ah Siiyay ayaa sheegay in ay adagtahay in gar-gaar la gaarsiiyo tuulooyinka wabigu uu ku fatahay, sababo la xariira isku socodkii Toolooyinka oo Xirmay, maaddaama ay waddoouinka ay biyo xireen.
Wabiga Shabeelle ayaa inta badan sameeyo fatahaado saameyn ballaaran ku yeesha dadka degaanka iyo guud ahaanba magaalada, waxaana xusid mudan marar badan uu sameeyay wabigu fahaado Khasaare dhaliyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tiro dhowr jeer ah ku cel-celisay in ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka joogtada ah ee uu sameeyo wabiga Shabeelle xilli roobaadka, waxaana degaanno iyo dagmooyin ka mid ah Gobalka Sh\dhexe ay dowladdu u dirtay Injineero qiimeeyn ku sameeya sida ugu dhaw ee wax looga qaban karo fatahaadaha uu sameeyo wabiga Shabeelle.

