Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay diyaaradii shalay ku dhacday garoonka Diyaaradaha Degmadda Bardaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in baaritaano ay socdaan oo lagu ogaanayo sababta dhalisay in ay dhacdo diyaaradda Afrikan Air Weys.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilka ku dhintay 6-ruux oo diyaaraddda saarnaa, sida uu xaqiijiyay Mid kamid ah Milkiilayaasha Shirkadda.


