Wafdi ka socda maamulka Galmudug ayaa gaaray degaanka Bacaadweyne oo ka tirsan Gobalka Mudug, waxaana degaanka ka taagan xaalad nolo xumo oo aad u liidata.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayo Wasiirka Cusub ee Arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi waayeel, waxaana kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano, iyagoona Gurmad u sida dadka shacabka ah ee waxyeelada kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday Bacaadweyne.
Magaalada waxaa saameeyay daadad kusoo rogmaday oo khasaare gaarsiiyay dadka degaanka, walina waxaa taagan cabsi xooggan.

