Qatar oo Soomaaliya Ka Caawin Doonta La Tacaalidda Caabuqa Covid19

0

Dalka Qatar ayaa shaaca ka  qaaday in Soomaliya ka caawin doonaan la dagaalanka caabuqa Covidh19, ayna Soomaaliya usoo dirayaan gar-gaar ballaaran oo lagula tacaalo dhibaatada CoronaVirus.

Amiirka Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani ayaa amray in soomaaliya loo diro diyaarado sida gar-gaar dowooyin ah oo lagula dagaalamo Covid19.

Amiirka oo soo saaray  hadal kooban ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad caafimaad oo loo soo diro Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in dalka Qadar uu ka qeybqaadanaayo dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo viruska Corona.

Dalka Qatar ayaa ka mid ah waddamada Soomaaliya ka caawiya qaybaha kala duwan, sida dhanka Siyaasadda iyo waliba dhinacyada deeqaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here