Ciidamadda Ethopia oo Diyaarad Kusoo Riday Bardaale,lix ruux oo Dhimatay

0

Wararka ka imaanaya Degmada bardaale ee gobolka Baay ayaa ku waramaya in Ciidamadda ethopia ay soo rideen Diyaarad Rakaab ah oo halkaas doonaysay in ay ka dagato.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Airways ayaa waxa ay tahay nooca yar ee rakaabka 30ka qof gaaraya qaada,waxaana la sheegay in ciidamadda Ethopia ee Halkaas ku sugan ay ku dhufteen  Qoriga Suuga islamarkaan ay soo dhacday.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay,6-ruux oo la sheegay in ay saarnaayeen Diyaaradda.

Ilaa haatan lama oga Sababta Ciidamada Itoobiya ay u soo rideen diyaaradaasi dadka shacabka ah ay saarnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here