Taliska Ciidanka xooga oo ka hadlay oo Ka Hadlay Weerar ay Al-shabaab Kusoo Qaadeen

0

Taliska ciidanka xooga dalka ayaa ka hadlay dagaal ay Alshabaab kusoo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka, waxaana kadib weerarka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Saldhigyada  Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanada Ceel-Saliini iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wareerka ay shabaab kusoo qaadeen balse waa ay iska caabiyeen ciidanku dagaalkaas kaga yimid dhanka Al-shabaab.

Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay khasaare xooggan gaarsiiyeen Shabaabkii soo weeraray, waxaana intaas uu ku daray Taliye Odawaa in ay ka dileen tobaneeyo ka mid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday la dilay, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Xubno kale.

Al-shabaab kama hadal dagaalka iyo guusha ay sheegteen Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here