Magaalada Balad weyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ka taagn tahay xaalad aad u daran ka dib markii wabiga Shabeelle uu ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada ayna ka billawdeen barakac xooggan oo ay dadka degaanku samaynayaaan.
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay haysato dhibaato aad u daran oo uu wabiga shabeelle u gaystay, maaddaama xaafado ka mid ah degmada ay biyo qaadeen, dantuna ay ku qasabtay dadka shacabka ah ee ku dhaqnaa xaafadahaas in ay ka cararaan guryahoodii.
Shalay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ay u dirtay Wafdi Injineero ah,kuwaas oo qiimeyn ku sameynaya xaaladaha fatahaadaha iyo sidii dadaal loogu bixin lahaa ka hortegida fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
Magaalada Baladweyne ayaa ah magaalo mar waliba dhibane u noqotay fatahaado uu sameeyo wabiga shabeelle, waxaana xusid mudan in tiro dhowr jeer ah in magaalada ay ka dheceen shaqaaqooyin aad u daran oo uu wabigu gaystay.

