Galmudug iyo Puntland oo Ka Wada Hadlaya Dagaal Ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo

0

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa shir ka yeelan doona dagaal beeleed dhawaan ka dhacay duleedka Gaalkacyo, waxaana lagu wadaa in ay ka wada fariistaan dhibaatadii ka dhacday deegaanka Teerage ee duleeka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo ka dhacay.

Labada maamul ayaa wada Dadaalo lagu qaboojinauo xiisad ka dhalatay dagaalkaas ayay wadaan labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland,waxaana kulankooda Maanta ay uga hadli doonaan sidii xal looga gaari lahaa wixii deegankaas ka dhacay.

Maamulka Puntland ayaa shalay shegay in dagaalka ay soo qaadeen kooxo qaab beeleed u Abaabulan oo dhanka Galmudug ku hayb sheegta, waxaana ay sheegeen Puntland in kooxahaas malleeshiyaadka ah aysan matalin maamulka Galmudug.

Si waliba Mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo laamaha Amniga labada Maamul ayaa ka qeyb galaya Shirka oo lagu qabanayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here