Dowladda dalka Turkiga ayaa maanta Muqdisho kasoo dajisay diyaarado siday Qalab caafimaad oo loogaga hortagayo caabuqa covid19.
Waaberigii horey ee saakay ayay aheyd markii diyaaradii saddexaad oo ka socotay dalka Turkiga ay gargaar Caafimaad keentay Muqdisho, taasi oo lagu wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaana saacado ka dib kasoo dagtay garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho diyaaraddii 4aad ee sidda gar-gaar caafimaad oo loogu talagay in lagula tacaao caabuqa Covid19.
Tan iyo saaka waxaa muqdisho kasoo dagay laba diyaaradood oo siday qalab caafimaad oo ay dowladda Turkiga ay ugu deeqday Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaliya Kala wareegtay Deeqda dalka Turkiga, iyagoo ka mahad celiyay kaalmada kaga timid dalka Turkiga ee inta badan Soomaaliya ka caawisa qaybo kala duwan .
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Tirada xaaladaha COVID-19 ee guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay ay gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux, halka 32 ruux oo kale ay u geeriyoodeen.
Tan iyo markii uu Soomaaliya ka dillaacay caabuqa Covid19 dalka Turkiga ayaa si dhaw Soomaaliya uga taagerayay la dagaalanka CoronaVirus.

