Cumar Filish oo Sheegay in La Diwaangaliyay 500-Dhimasho oo Covid-19 ah

0

Wasiirka  Owqaafta iyo arimaha Diinta ee XFS, wasiirka warfaafinta XFS guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar maxamud Maxamed (Cumar Filish) Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir  xildhibaano katirsan golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya, agaasimayaal iyo madaxda degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay kulan heersara ah oo lagu xoojinaayo wacyigalinta ka hortaga cudurka Coronovirus.

Kulankan oo ka dhacay aqalka dowlada hoose Xamar ayaa lagu faray agaasimayaasha dowlada hoose Xamar iyo maamulada degmooyinka in wacyigalin xoogan ay ka fuliyaan degmooyinka Muqdisho si looga hortago cudurka halista ah ee Covid-19.

Cumar maxamud Maxamed (Cumar Filish) Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in la diiwaangaliyay 500-Dhimasho oo Cudurka Covid-19 ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay Tiraddii ugu badneyd ee ay diiwaan-geliyeen hal maalin ay aheyd 43 ruux , halka tiradii ugu yareyd ee la diiwaangaliyay ay aheyd 22 qof.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here