Akhriso:-Puntland oo Beenisay in Dowladda Dhexe Gargaar Usoo Dirtay

0

Maamulka Puntland ayaa beeniyay saddex diyaaradood oo shalay ka degay magaalada Garowe, ay ka yimaadeen dhanka Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad, oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda garoowe ayaa beeniyay sheegashadda Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in gargaarkaas uu ka yimid hanka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya oo sheegay gaaray Magaaladda Garoowe ayaa sheegay in wadaan gargaar ka yimid Dowladda Dhexe ee Soomaaliya,kuwaasi oo looga talagalay dadkii dhibaatadda ay kasoo gaartay daadadka Magaaladda Qardho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here