Turkiga oo Soomaaliya Qalab iyo Dawooyin U Soodiray Soomaaliya

0

Dowladda dalka Turkiga ayaa Soomaaliya usoo diraysa Qalab caafimaad oo loogu tala galay in lagula tacaalo caabuqa Covid19 ee gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Erdugan ayaa amar ku bixiyay in Soomaaliya loo diro diyaarad sidda qalab kala duwan oo soomaliya looga caawin doono xakamaynta caabuqa CoronaVirus.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibraahim Kalin, ahna La-taliyaha Madaxweyne Erdogan  oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Erdogan uu amar ku bixiyay in Soomaaliya loo diro deeq Caafimaad.

Turkiga ayaa ah dal si weyn Soomaaliya caawiya waxaana tiro dhowr jeer ah uu soo gaarsiiyay gar-gaar kala duwan oo wax loogu qabtay shacab ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya, haddana waxaa uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya uu ka caawin doona la dagaallanka caabuqa Covid19.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here