Hoobiyaal Lagu Garaacay Qaybo Ka Mid ah Magaalada Muqdisho

0

Waxaa saaka tiro Hoobiyaal ah lagu garaacay qaybo ka mid ah degmad  Wadajir ee Gobalkani Banaadir,khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay duqaymahaas Hoobiyaasha loo adeegsaday.

Afar ruux oo isku qays ah ayaa ku geeriyootay sida ay inoo xaqijiyeen dad Goobjogayaal ah, sidoo kale waxaa Hoobiyaashaas ku dhintay Haweenay da’ah oo ka tirsanayd dadka degaanka taa oo magaceeda lagu soo koobay Nuuro Maxmed Cosobow.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Xero Geel uu haleelay mid ka mid ah madaafiicda, ayna ku waxyeeloobeen tiro Geel ah oo xero geela lagumaalo ku xaraysnaa.

Wali kama hadal masuuliyiinta dowladda federalka Soomaaliya iyo maamulka Degmada wada jir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here