Turky-ga ayaa Magaaladda Muqdisho kala baxay Shaqaalihiisa,xili Cudurka carona-Vurus uu dunidda sameeyay.
Diyaaradda Turkish Airlines ayaa Shaqaalaha Turkiga ka daad-gureysay Garoonka Aadan Cadde, ka dib markii halkaasi la isugu geeyay.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turky-ga ayaa lagu sheegay in Magaaladda Muqdisho la keenay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalkaas.
“Digtoonaantii uu qaatay Madaxweynaheena si looga hortago faafitaanka Covid-19, muwaadiniinteena ku sugan gudaha Somaliya waxay si ku-meel-gaar ah uga guureen Muqdisho, iyagoo raacaya inaanan muwaadiniinteena dibadda looga keenin xanuunka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa dhawaan amray in shaqaalaha Turkyga dalkooda dib loogu soo celiyo.




