Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay weerar loo adeegsaday Hoobiyeyaal oo lagu garaacay saaka qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisgho gaar ahaan degmada wadajir ee Gobalka Banaadir.
Waxaa ay sheegeen shabaab in duqeynta ka fuliyeen Xerada Xalane, waxaana ay sheegeen in ay khasaare ballaaran gaarsiiyeen Ciimada AMISOM.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka ee afka Al-shabaab ku hadla ayaa la sheegay in 7 madfac ay ku garaaceen shabaab xerada xalane oo ah Saldhigga ugu weyn Amisom.
Duqeynta ayaa waxaa ku waxyeeloobay dad shacab ah sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaal ku sugan qaybo ka mid ah degmada wadajir, waxaana ka mid ahaa dadka ku dhintay duqeymahaas afar ruux oo isku qoys ah.
Amisom wax war ah kama soo saarin duqeymahaas ay Shabaab sheegteen.

