Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xaalado cusub oo ku soo kordhay Covid-19.
Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 62 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 390 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.
Sidoo kale waxaa jirta ,2 qof oo u geeriyootay xanuunkaasi,waxaana tirada guud ay ka dhigaysaa 18 qof,sidoo kale labo kale ayaa bogsootay,waxaana guud ahaan tirada bogsoshada noqonaysaa ilaa 10 ruux.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xakameyn lahaa faafidda xanuunkaasi,iyadoo ay socdaan dadaalo badan oo bulshada lagu bad-baadinayo.
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 April 2020, waa maalinta duumada aduunka, annagoo kujirno howlaha adag ee corona virus, hadana ma aha in xakameynta duumada aan ka mashquulno oo sidaas dad nooga dhintaan.
Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an xakameynta cudurka duumada maxaa yeeley adunkaan labadii daqiiqaba hal canug ayaa u dhinta cudurkan, sidaa darteed waxaan mar walba u taaganahay inaan ka hortagno dhimashada caruurta iyo hooyada u dhimanaya cudurka duumada.
Innagoo la tacaaleyno cudurka saf marka ah ee COVID 19, Dhamaan howlihii xakameynta duumadana way sii socon doonaan kuwaas oo ay kamid yihiin maareynta xaaladaha, qeybinta mara kaneecada iyo buufinta meelaha ay kaneecada ku badato.
Dowladda waxaa ka go’an inay ku bixiso dadaal walbo oo lugu xakameynayo cudurka duumada dhamaan Soomaaliya.

