War Deg Deg:-Laba Ruux oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho,Kadib Bandowgii

0

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa Magaaladda Muqdisho ku dilay Labo Ruux oo midi haweeney uur leh ay aheyd.

Falkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Jubba ee Magaaladda Muqdisho.

Askariga falka geystay ayaa kamid ahaa Ciidamo loo diyaariyay Bandowga Magaaladda Muqdisho,oo haatan laga dhigay 07:00 fiidnimo.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in dadka la dilay ay Ganacsi ku lahaayeen Hareeraha Isgoyska Jubba, islamarkaana uu ka dhacay Bandowga.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa inoo sheegay in askariga iyo dadka ay ismaadheefeen markii hore,islamarkaana taasi ay keentay in rasaas uu furo ayna ku dhintaan haweeneydii uurka laheyd iyo Ninka kale.

Intaas kadib banaanbax loogu soo horjeeday falka dhacay ayaa ka dhacay isgoyska Jubba ee Magaaladda Muqdisho waxaana dhigayay dad careysan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here