Taliska Booliska oo Ka Hadlay Labada Ruux ee Caawa Lagu Dilay Muqdisho

0

Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in la xiray askari caawa labo qof ku dilay degmada Boondheere waqtigii uu bilaabanayay Bandowga Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in falkaas uu ku dhacay si aan wanaagsaneen,islamarkaana laamaha amniga ay xireen askarigii dilka geystay.

Hadalkaan ayuu Taliyaha ka sheegay Shirka Guddiga Ka hortagga Cudurka Coronavirus COVID-19.

Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa caawa magaalada muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa iyo Haweeney uur Laheyd, xili bandowga uu bilaabanayay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here