Joodax:-“Cadaaladd Daro iyo Sad-bursi ayaa Ka Muuqda Wasiiiradda Galmdug”,!

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Cadaaladd daro iyo Sad-bursi ay ka muuqdaan Liiska Golaha Wasiiiradda Maamulka Galmudug ee xalay la shaaciyay.

Xildhibaan Warsame Joodax oo kamid ah Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in qaladaad uu ka jiro qaabka loo magacaabay Golaha wasiiradda Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in beelaha qaar la qadiyay,islamarkaana waxba aysan socon doonin marba hadii wadadaas la raacay,wuxuuna Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ugu baaqay in dib ugu laabto qaabka loo magacaabay wasiirada Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaan Warsame Joodax oo deegaan doorashadiisa ay tahay Galmudug ayaa sheegay in muhiimadda ay tahay in si cadaaladd loo qeybiyo wasiiradda Galmudug.

Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo ka kooban 23 Wasiir ayaa lagu dhawaaqay, sida uu Digreeto ku soo saaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here