Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ka dhacay magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle.
Qoraal kasoo baxay warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhacay saldhigga Booliska Magaaladda Jowhar,islamarkaana uu khasaare dhaliyay.
“Qaraxa waxaa lala eegtay isku imaatin ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle,qaraxa waxaa ku dhawacmay afar qof, dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa kamid ah xildhibaan katirsan maamulka Hirshabelle iyo guddoomiyihii deegaanka Ceelbaraf oo magaciisa lagusoo gaabiyay Abuukar”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Shabaab.
Dhanka kale Maamulka Hir-shabeelle oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in lagu raadjoogo ragii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay Magaaladda Jowhar.

