Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay qaybo ka mid ah Gobalka Mudug, iyadoo lasoo sheegayo in qaraxaasi uu dhaliyay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana qaraxaasi lagu dhajiyay sida dad goob joogayaal ah ay inoo sheegeen Gaariga Masuul ka tirsan Waaxda Canshuuraha Wasaaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu magacaabo Cabdi-Gube.
Ciidanka ammaanka Puntland ayaa gaaray goobta falku ka dhacay waxaana ay sameeyeen howlagallo amniga lagu xaqiijinayo, inkastoo aysan jirin dad si toos ah loola xariirinayo in ay ka danbeeyeen qaraxaas oo gacanta lagu soo dhigay.
Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in la geeyey dhaawaca mas’uulka ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland,waxaana sidoo kale la sheegay in burbur xooggan uu soo gaarey gaarigiisa.
Inta badan magaalada kaalgacyo ayaa ah magaalo aan looga baran qaraxyada balse dhawaanahaan waxaa soo badanaya qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaaladaas.

