Maamulka Puntland ayaa ka hadlay natiijadda kasoo baxday baaritaano lagu sameeyay dad looga shakiyay Cudurka Carona-virus oo saameen ku yeeshay Dunidda oo idil.
Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in baaritaankii lagu sameeyay shakhsiyaadkii la karantiilay, uu xaqiijiyay in dhammaantood aysan qabin COVID-19, sidaas darteedna aysan gebi ahaanba jirin kiisas la xiriira Coronavirus oo laga helay gudaha Puntland.


