Qaar ka mid ah Maamul Gobaleed-yada Dalka oo Maanta La Gaarsiiyay Qalabka Looga Hortago Covid-19

0

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah Maamul Gobaleed yada dalka waxaa ay ku wareejisay Qalabka looga hortago caabuqa Covid-19.
Wasaaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay manta maamul Gobaleed-yada kala ah Galmudug iyo Hir-shabeele ku wareejisay Qalabka looga hortago CoronaVirus-ka, waxaana ay intaas ku dartay wasaaraddu in ay tahay qalabkii ugu danbeeyay ee la gaarsiinayo maamul gobaleed-yada.

War kasoo baxay Wasaaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri“Qalabakan ay maanta Wasaaradda Caafimaadku sii dhiibtay ayaa ah qoondadi Maamul Goboleedyada loogu talo galay teedii ugu danbaysay oo la diro, Waxa qalabkan la wada geeyay dhamaan Maamul goboleedyada dalka”.

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa ka horreeyay maamuladaan oo horay loo gaarsiiayay qalab mid kan la mid ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here