Gudoomiyihii Xilka Laga qaaday Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle Cali Maxamed Caraale ayaa si cad ugu hor yimid warqadii kasoo baxday Madaxweynaha Hir-shabeelle ee xilka looga qaaday.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaladda beledweyne ayuu sheegay in xil ka qaadistiisa uu ka arkay baraha bulshadda,islamarkaana uusan aqbali doonin.
Dhanka kale Gudoomiyihii Xilka Laga qaaday Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle Cali Maxamed Caraale ayaa eedeen u jeediyay Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Waxa uu sheegay in waare waqtigiisa uu dhamaaday,islamarkaana qof waqtigiisa uu dhamaaday uusan xil ka qaadi Karin.
“Waare waa nin aan isku kalsooneyn, madaxda wax bed-bedesha waa madax aan isku kalsooneyn, mar kasta wuu qalqalaa marka uu qof keeno, xasiloonida ayaa ka luntay, waa nin qol ku xiran waxba ka ogeyn waxa socda.

