Puntland oo Ka Hadashay Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Garoowe

0

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay qaraxii caawa ka dhacay magaaladda garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garoowe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad,ayaa sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu fiidnimadii caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo uu weheliyay Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli).

Waxa uu sheegay in Guddoomiye Gu’jir iyo G/sare Faarax Galan-goolli ay labaduba ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro qof shacab ah oo isna ku dhaawacma, islamarkaana dhammaantooda lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in uusan jirin qof loo qabtay qaraxa,balse Laamaha amaanka magaaladda Garoowe ay wadaan baaritaano.

Ma jiro cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaaladda Garoowe ee Caasimadda maamulka puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here