Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii caawa ka dhacay magaaladda Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay magaaladda Garoowe.
“Shabaab ayaa howlgal ku beegsaday mas’uuliyiin katirsan maamulka Puntland khasaara xooggan ayaana gaaray” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.
Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa dhaawac culus uu kasoo gaaray guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Salaan Xasan Xirsi iyo taliyihii hore ee booliska Gobolkaas.

