Kenya oo Axmed Madoobe u Dhisaysa Saldhig Ciidan oo Qarsoodi ah+Dhageyso

0

Warar lagu kalsoonan karo oo ka imaanaya Maamulka  Jubbaland ayaa sheegaya  in Saldhig ciidan oo qarsoodi ah laga sameynayo  Deeganada xaduuda Dowladda Kenya ay la leedahay soomaaliya ee qeybta Jubblada Hoose

Warka ayaa sheegayo in Saldhigan loogu tala galay in lagu Xareeyo Ciidamadda Daacada u ah Madexweyne Axmed Maxamed islaam isla markaana ay ka Howlgalayan Saraakiil Kenyaati ah silooga Abaabulo Dhaqdhaaqyo kala duwan oo ka dhan ah Dowaladda Federalka Soomaaliya taas oo doonayso in ay Gacanka Dowlada ku soo celiso Deegaano Katirsan Gobolka Gedo.

Siciid Nuur oo ka mid ah wax garadka Ku dhaqan Gobolka Jubbada Hoose  oo lahadlay idaacada Simba ayaa sheegey in Dowladada kenya ay Saldhig  qarsoodi ah ka Sameynayso Deegaano dhaca Xuduuda ay jubbland la leedahay Kenya , Saldhigaas oo qeyb ka ah Abaabul  Kenya ay   Colaad uga dhex Abuureyso Ciidamada Daraawiishta  Maamulka Jubbaland iyo kuwa Dowlada Federaalka soomaaliya.

Dowlada Kenya oo taageero buuxda siinayso Madexwenaha Maamulka Jubbbaland Axmed Maxamed islaam  ayaa lagu eedeynayaa in ay dhaqdhaqyo ka wado Deegaanada Jubbaland kuwaas oo ka dhan ah Dowlada Federalka Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here