Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Ka Tanasulay Madaxtinimadda Galmudug+Dhageyso

0

Madaxweynihii Hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa la sheegay in uu ka tanasulay xilka Madaxweynaha maamulkaas uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Kulamo u dhaxeeyay xildhibaano,siyaasiyiin iyo Madaxweyne Xaaf ayaa lagu dhameeyay khilaafkii jirey waxaana Xaaf lagu qanciyay in uu ka tanasulo Madaxtinimadda galmudug,islamarkaana uu ka qeyb galo xafladda Caleema-saarka madaxweyne Axmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor) ee Dhuusa-mareeb ka dhacaysa.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil oo kamid ah Xildhibaanadda Galmudug oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf lagu qanciyay in uu ka tanasulo xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waxyaabaha dhiman ay rajeynayaan in la dhameystiro maalmaha soo socda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here