Maamulka Magaaladda Marka oo Cabasho ah Al-shabaab+Dhageyso

0

Maamulka Magaaladda Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay dhibaatooyin ay Alshabaab ku hayaan dadka shacabka ee  ku nool tuulooyin ka tirsan  Gobalka shabeelaha Hoose islamarkaana hoosyimaada Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shacabka ku dhaqan tuulooyinka ku dhow Magaalada Marka ayaa ka cabanayo in Al-shabaaab ay dhaceen xoolihii islamarkaana ay dhibaatooyin badan ugeystaan  sida uu inoo xaqiijiyey mid ka midka  mas’ uuliyinta Magala Marka ee Gobolkaaasi.

Maxamed cismaan Yariisoow oo ka tirsan maamulka magaalada marka ee gobolka shabeelaha hoose  oo la hadley idaacadda simba ee magaaalada muqdisho ayaa sheegay in dad deegaanka oo uu isagu kujiro ay alshabaab ka dhaceen xoolihii waxa  uuna  ka dalbanayo dowlada soomaaliya in ay dadajiso howlgalada ayka sameynayaan deegaanada gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan tuulooyinka   ku dhadhow magaalada marka  ee goboka Sh/hoose .

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda oo dhawaan  la wareegay deegano ka tirsan gobolka Shabeelaha beelaha hoose ay dadka shacab ah kalsooni weyn ku qabaan isla markaana,waxa uuna xusay in ciidanka hada joogo ay kuwii hore ka duwan yihiin islamarkaana aysan wax dhibato ah ugeysan dadka  shacabka.

Inta badan xoolo dhaqatada ku nool deegaano iyo tuulooyinka ay al shabaab ka  maamulaan Gobalka shabeelaha Hoose, ayaa ka cabto in Al-shabaab ay ka xeystaan xoolaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here