Dowladda Soomaaliya oo Xaqiijisay Kiiskii Seddexaad ee Carona-virus

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiiskii seddexaad ee Caabuqa Carona-virus.

Qofka seddexaad ee laga helay cudurka ayaa noqday qof Ajnabi ah oo ka tirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobay, balse lama sheegin dalka uu u dhashay.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo ka hadlaysay Warbaahinta dowladda maanta oo jimco ah ayaa sheegtay ruuxaasi Ajnabiga in la karantiilay,islarmarkaana uu noqday qofkii seddexaad.

Dhanka kale Qaramadda midoobay ayaa xaqiijisay in mid kamid ah shaqaalaheeda laga helay Caabuqa Carona-virus.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM waxa ay ku xaqiijiyeen jiritaanka kiiskaasi, ruuxii laga helayna waxa ay sheegeen in la karantiilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here