Puntland oo Si Kulul ugu Jawaabtay Dowladda dhexe

0

Maamul Gobaleedka Puntland ayaa u jawaabay wasiiro ka tirsan Dowladda dhexe ee Soomaliya oo shalay dhaliil u jeediyay maamulkaasi, iyagoo si gaar ah u dhalliilay qodobadii kasoo baxay shirweynihii puntaland ee ka dhacay Garowe.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin dhaliilaha iyo eedaymaha ay sheegayaan wasiirada ka tirsan dowladda dhexe.

Waxaa uu sheegay in ay wax kama jiraan ay yihiin wararka sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntalnd Siciic Cabdullaahi Deni uu Muqdisho kula kulmi doono Madaxweyne Farmaajo iyo Rw Xasan Cali Kheyre, waxaana uu sheegay Dhaban cad in madaxweyne Deni uu muqdisho ugu safri doono arrimo kale oo gaar ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here