Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo laba maalin ah fasaxday Duulimaayadii Caalamiga ah.
Wasaaradda ayaa 18-kii bishaan amar ku bixisay in la hakiyo dhamaan duulimaayadda kadib markii cudurka Carona-virus kiiskii ugu horeeyay laga helay Magaaladda muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo laba maalin ah la fasaxay duulimaayadda caalamiga ah,kadib markii muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xayiran yihiin garoomadda wadamo kala duwan.
Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in in laba cisho kadib ay sii socon doonto xayiraadda dhanka Duulimaayadda.


