Xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo ku jira dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay xildhibaanada Beelaha Hawiye laga siiyey baarlamaanka Koonfur Galbed oo la sheegay in ay ku waayeen Beelaha Hawiye Kuraas badan.
Waxaana la sheegay in guddi gaar ah ay u xil saareen xildhibaanada kulmay raadinta kuraasta ka maqan, waxaana ay walaac ka muujiyeen tirade xildhibaanada laga siiyay Beelaha Hawiye Kuraasta xildhibaanada Cusub ee maamulka Koonfur Galbeeed Soomaliya.
Waxaa xildhibaanada dherxdooda ay iska magaacabeen guddi gaar ah, Guddiga oo guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka kooban illaa 13 xunood, kuwaas oo loo saaray sidii ay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ugala soo hadli lahaayen saamiga beesha ka maqan iyo tabashadooda.

