Go’aankii ay DFS Ku Joojisay Duulimaayadda oo Saakay Dhaqan Galay

0

Waxaa maanta oo khamiis ah dhaqangalay Go’aankii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku joojisay dhammaan duullimaadyada Caalamiga ahaa si looga hortago Caabuqa Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkaan shaacisay in muddo 15-cisho ah la hakin doono duulimaadyada caalamiga ah cabsi ku aadan Caabuqa Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay laga helay Magaaladda muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 18-ka bisha 12:00AM dhamaan duulimaadyadda ay joogsan doonaan waxaana dhaqangalay amarkaas.

Shaqaale ka tirsan Garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho ayaa idaacadda Simba u sheegay in saakay aysan soo daganin wax diyaarad ah uuna dhaqan galay amarka Dowladda Soomaaliya kasoo baxay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here