Kooxo hubeysnaa ayaa xalay dilay Gudoomiyihii Deegaanka Goofgaduud Buurey, oo dhanka Galbeed kaga beegan Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Mayow Isaaq,waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen xili uu ku sugnaa gudaha Deegaankaas.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa sheegay in Gudoomiyaha markii hore dhaawac culus uu soo gaaray,balse uu u dhintay markii dambe.
Ilaa haatan lama oga ragii ka dambeeyay falkaan lagu dilay Gudoomiyihii Deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka baay.
Gudoomiyaha la dilay ayaa dhowr jeer ka badbaaday weeraro Al-shabaab ay doonayeen in ay ku khaarijiyeen.

