Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Degmadda Baraawe.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa qeyb ka ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.
Ujeedada booqashada Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu xariga uga jari lahaa garoonka diyaaradaha magaalada Barawe uuna u dhagax dhigi lahaa mashaariic kale.

