Beesha Caalamka oo War Kasoo Saartay Xiisadda Ka Taagan Gobolka Gedo

0

Beesha caalamka ayaa war kasoo saartay xaaladda gobalka gedo oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka taagneed xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka somalia iyo maleeshiyaad taabacsan maamulka jubbaland gaar wasiirka baxsadka ah ee maamulka jubbaland c.rashiid janan.

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay dhaqdhaqaaqyadda millatari ee kasoconaya gobalka gedo iyo sidoo kale dagaalkii dhawaan kadhacay  degmada balad-xaawo ee gobalka gedo dagaalkaasi oo lasheegay in ay kubarakaceen boqolaal qooys oo kahayaamay guryahooda.

Waraxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka waxaa  loogu baaqay dhinacyada iskuhaya gobalka gedo in ay dajiyaan xiisadda kataagan gobalka gedo si looga fogaado xasiloonidarro kasoo cusboonaata qeybo kamid ah gobaka gedo gaar ahaan degmada balad-xaawo.

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wadahadalladii dhinaca qadka taeefanka ah ee 5tii bishan ay wadayeesheen madaxweynaha Somalia maxamed cabdullahi farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxaana beesha caalamka ay sheegtay in labada hogaamiye ay kudhiiragalineyso in ay sii wadaaan wadahallada si looyareeyo xiisadda udhaxeysa waddamada Kenya iyo Somalia.

Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray saaxiibada Somalia ee beesha caalamka gaar ahaan Amisom,IGAD,midowga yurub,Denmark,Ethiopia,Germany,Italy,Sweden,UK,USA iyo Qaramada Midoobay.

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here