Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Duqeyn Lagu Dilay 4-xubnood oo Shabaab ahaa

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka u gaystay Alshabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Duqeyntan oo aad looga soo baaraandagay ayaa lagu dilay afar(4) ka tirsan Alshabaab.

DFS iyo Ciidamada AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin muhiim ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nolosha dadka shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Alqaacida iyo Alshabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedayn walba oo lasoo wariyo.

Duqeyntan ayaa ah mid lagu baritaarayo DFS si ay meesha uga saarto gaboodfallada Alshabaab islamarkaana shacabka Soomaaliyeed u helaan mustaqbal wanaagsan.

Way ka go’antahay Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidamaddeeda kala duwan ee Xoogga Dalka, Danab iyo bahwadaagooda Mareykanka la dagaalanka Alshabaab si loo baajiyo waxyeelada ay u gaysanayaan shacabka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruur oo ku dhaqan Soomaaliya iyo deriskeedaba.

Dadaaladan aan ku dhawreenno shacabka iyo ilaalinta ayaa ka geddisan weerarrada fuleynimada ah ee aan loo meeldayin oo Alshabaab kula kacaan meelaha ay shacabka ku badanyihiin ee Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imanaya kagadaal markii ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay Ceel Salini ay jabiyeen weerarkii Alshabaab ee kusoo qaadeen xeradooda militari.Ku dhawaad 30 Ashabaab ayaa isku dayay in ay cagtamariyaan xerada militari ee halkaa dhacda, hayeeshee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jab u gaystay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here