Ciidanka Xoogga oo Sheegay in ay Dileen Xubin Sare oo Ka Tirsan Shabaab

0

Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa sheegtay in ay dileen Xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, war kasoo baxay ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in ay dileen masuul sare oo ka tirsanaa Shabaab.

Waxaa lagu sheegay qaraalka kasoo baxay ciidanka xoogga in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maraykan ka ay fuliyeen howl galka, kana fuliyeen  degmada Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe, 22-kii Febraayo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in “dilka Bashiir Maxamed Qoorgaab ay ku suurta-gashay iskaaashi ay sameeyeen sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan taliska cidamadda Mareykanka ee Africa ee Africom.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku aaddan sheegashada Ciidanka xoogga ee ay ku sheegteen in ay dileen Bashiir Maxamed Qoorgaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here