Al-shabaab ayaa ka hadlay weeraro ay ku qaadeen saldhigyo Ku yaala Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hir-shabeelle.
Weeraradaan ayaa dhacay shalay galinkii dambe,waxaana lagu qaaday Saldhigyadda ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanadda Qalimoow iyo Warmaxan ee Gobolad Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Weerarka koowaad oo ka dhacay deegaanka War-maxan ayaa lagu dilay ugu yaraan 1 askari mid kalana waa lagu dhaawacay,waxayna shabaab sii qaateen qori ay wateen askarta.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa jidka u galay Ciidamo ka tirsan kuwa midowga Afrika gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi.
Sidoo kale Shabaab ayaa jidka u galay kolonnyo ka tirsan ciidamada Burundi, waxaana loo dhigay ciidankaas qarax,waxaana xigay dagaal toos ahaa.

