Wararka ka imaanaya Duleedka Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,ayaa ku waramaya in dagaal xoogan uu halkaas ka socda.
Dagaalka ayaa ka socda Deegaanka biitaale oo duleedka ka ah magaaladda Beledweyne.
Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle, dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig shabaab ay ku lahaayeen Duleedka Magaaladda Beledweyne.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda duleedka Magaaladda Beledweyne.

