MW Qoor-qoor oo La Kulmay Saraakiishii Ciidamadda Ahlu Sunna+Sawiro

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiishii Ciidamadda Ahlu Sunna waljameeca.

Saraakiishaan ayaa ahaa kuwii Madaxii Xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir oo sabtidii wareejiyay kadib markii ay isdhiibeen isaga iyo Hogaamiyihii Ahlusuna Macalin Maxamuud.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay General Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka,oo ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlu Sunna, ka hor intii aan la qaramayn ayaa ka shaqeeyay kulankii xalay Magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray Madaxweynaha Galmudug iyo Saraakiishii Ciidamadda Ahlu Sunna Waljameeca.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay doorka Saraakiisha Ahlu Sunna kaga aadan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here