Al-shabaab iyo Kooxda Macawiisley oo Ku Dagaalamay Ceel-cali

0

Dagaal u dhaxeeya ciidamadda Al-shabaab iyo Kooxda Macawiisley ayaa xalay ka dhacay Deeganka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan.

Kooxda Macawiiley ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen saldhig dagaalyahanadda Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegankaas,waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay labadda dhinac.

Xiriiro aynu la sameynay dadka deegaanka Ceel-cali ayaa inoo sheegay In hubka culus ay isweedaarsanayeen labadda dhinac in laga maqlayay deegaanka.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here