Shiikh Shaakir oo Ka Hadlay Sababta ay Isugu Dhiibeen Dowladda Soomaaliya

0

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Shir jaraaid goordhaweyd ku qabtay magaaladda Dhuusa-maeeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ka  hadlay sababta ay isku dhiibeen.

Waxa uu sheegay in ay go’aansadeen in ay isku dhiibaan General mascuud Maxamed Warsame oo ah Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad horayna u ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlusunna ka hor intaan la qarameyn ciidamadda Ahlusuna, sababo la xiriira dagaalka 48-saac aynu soo dhaafnay ka dhacayay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb.

Waxa uu sheegay in dagalkaas ay ku dhinteen tiro dad ah kuwa kalana ay ku dhaawacmeen,sidaas darteed ay go’aansadeen in la joojiyo dagaalka.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaliya,in ay xaqiiijiso amniga Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug.

Amaanka Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa saakay dagan,waxaana amniga sugaya ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here