Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadooda taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ayaa duqeyn diyaaradeed ku dilay labo ka tirsan Al-shabaab, aagga deegaanka Kunya barrow ee gobolka Shabellada Hoose.
Qoraalka kasoo baxay Taliska mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay in aanu jirin waxyeelo gaartay dadka rayidka oo ay xaqiijiyeen.
AFRICOM Waxa ay sheegtay in lasii wadi doono duqeymaha lala beegsado xubnaha Shabaab iyo Kooxda Daacish.


