Al-Shabaab ayaa soo Bandhigay Meydadka Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Somaaliya kadib weeraro ay ku qaadeen Saldhigyo ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose.
Shabaab ayaa weerar ku qaadaay Saldhigyadda Qoryooley iyo Ceel-Saliini ee Shabeelaha Hoose.
Xafiiska Warfaafinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya qeyb kamid ah khasaarihii gaaray Ciidamadda kadib weerarkii laba maalin ka hor ka dhacay saldhigga ciidamada ee Ceel Saliini.
Sawirrada oo qeyb kamid ah lagu faafiyay warbaahinta Shabaab ayaa waxaa ay muujinayaan ciidamada Al-Shabaab oo gabi ahaanba cagta mariyay xeradii Ceel Saliini iyo maydad aad u farabadan oo daadsan gudaha xerada.
Alshabaab waxa ay sheegeen in weerarka Ceelsaliini ay ku dileen 41askari oo Dowladda Ka tirsanaa.
































