Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Xiran, Sababta oo La Shaaciyay

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray Qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Wadooyinja la xiray waxaa kamid ah Wadada Maka al Mukaramah ee Magaaladda Muqdisho, iyo Wadada gasha Xabsiga Dhexe.

Sababta loo xiray Wadooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay Munaasabadda Aas-aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, waxaa la aas-aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed waana muddo hadda laga joogo 50-sano, waxaana Munaasabadda lagu maamuusayo maalintaan ka qaybgalaya Madax katirsan DFS.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here